Home Wararka Maanta Xamza Warfaa oo Si wayn loogu soo Dhaweeyey Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Xamza Warfaa oo Si wayn loogu soo Dhaweeyey Magaalada Muqdisho(Sawiro)

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray mid kamid ah la-taliyeyaasha muhiimka ah ee madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden, kaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Aadan Cadde.

Ninka oo lagu magacaabi Xamza Warfaa, ayaa asalkiisu yahay Soomaali, wuxuuna horay madaxwyene Biden ugu magacaabay inuu wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuquraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa soo dhaweyta qayb ka ahaa qaybo kamid ah bulshada oo ay ugu horreeyaan dhalinyarada Barbaarta Gaashaaman oo ciyaaro ku soo dhaweeyay.

Intaas kadib waxaa Xamza Warfaa ayaa loo galiyay gudaha caasimada, gaar ahaan halka loo diyaariyay, halkaas oo ka uu bilaabi doono kulamo kala duwan.

Mas’uulkan ka socda dowladda Mareykanka ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmo doono madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal iyo arrimo kale.

Wuxuu Xamza kamid yahay Soomaalida xilalka muhiimka ah ka heysa Mareykanka, waxaana lamid ah Ilhaan Cumar oo horay marar kala duwan usoo booqatay dalka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Muqdisho u yimid kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson, kaas oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna dowladda federaalka ah ka taageeraa dhinacyada howlgallada iyo maaliyadda.
Ad
Previous articleAadan Madoobe oo magacaabay xubnaha golaha Shacabka uga mid noqonaya Baarlamaannada Afrika, Carribean, Pacific iyo Midowga Baarlamaanada Yurub
Next articleXagee ku dambeeyay wiilkii ay caashaqeen gabdhaha Soomaaliyeed ee hooyo iyo cunugeed gaariga marsiiyay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here