Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Barre oo Asna Wacad ku Maray in Deg deg Wax...

Xamse Cabdi Barre oo Asna Wacad ku Maray in Deg deg Wax looga Badali Doono Dastuurka

0

RW Soomaaliya oo ka hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in aan dib loogu laabaneyn doorasho Dad-ban iyo Teendhadii Afisyooni ee la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo ay dadweynaha codeynayaan, Labo xisbi siyaasadeedna kasoo baxayaan.

RW Xamse ayaa sheegay in ay Xukuumadii Farmaajo ay gashay khaladaad waa weyn, ayna ahayd in xubnaheedii sare ay cafis weydiistaan bulshada Soomaaliyeed, ee aysan aheyn hadda in ay ka hadlaan arrimaha Siyaasadda & raadinta kuraas siyaasadeed.

Hadaljeedinta RW Soomaaliya ayaa kusoo beegantay xili galinkii hore ee maanta Madaxweyne Xassan Sheekh, masaajidka isaguna si ba’an uga weeraray madaxdii uga horeysay xukunka, oo ku sifeeyey kuwa aan guusha arkeynin oo aan qeyb ka aheyn dagaalada Argagixisada lagula jiro.

Hadda ayuu sheegay in la magacaabayo guddiga Doorasho oo nidaamka asxaabta badan ah.

Dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay in uu ku jiro gacan aamin ah oo aan cabsi laga qabin, qof kastana in uusan dhakhtar noqon karin ayuu sheegay, oo baarlamaanka horyaalo.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Wacad ku Maray in Dastuurka la Ansixin Doono Kuwa Qaylinaaya aan loo joojin Doonin
Next articleP.M Xamza oo si cajiib ah ugu jawaabay raggii sheegay in SYL ‘looga xaday Qalin iyo Dahab’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here