Home Wararka Maanta Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Abdullah Salem Al Nuaimi Maxay kawada Hadleen(Sawiro)

Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Abdullah Salem Al Nuaimi Maxay kawada Hadleen(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleAlshabaab Oo Qaarna lalaayay Qaar kalana Nolosha Lagu soo Qabtay
Next articleXasan shiikh oo Saxiixay Sharci Cusub oo Mudo laga Sugaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here