Xamaas ayaa xaqiijisay inay gacanta ku dhigeen Jeneraal Namruud,oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada difaaca yuhuuda .
Raysalwasaaraha Israel Benjamin Nettanyahu oo ka hadlay afduubka Jeneraal Namruud ayaa sheegay inay tahay arin aan la aqbalin karin Namruud inuu maxbuus yahay,wuxuuna tilmaamay in aanuu garan karin sida loo qabtay oo uu ku tilmaamay inay muujiso Khatarta ay israel wajahayso .
Benjamin Nettanyahu ayaa ku dhawaaqay in Israel rasmi ah weerar loogu soo qaaday, wuxuuna u yeerey ciidanka kaydka ah ee Israel inay dagaalka ka qayb galaan,ayna soo badbaadiyaan sarkaal sare namruud .
Waa Kuma Jeneraal Namruud-ka La qabtay ?
Jeneraal Namruud,Wuxuu ku eedeeysnaa inuu xasuuq iyo xadgudubyo u geystay dhalinyaro, haween, waayeel iyo xitaa caruur ku nool marinka go’doonsan ee falasdiiniyiinta .
Namruud Wuxuu ku dhashay tuulada Ein Kareem sanadkii 1973, Wuxuu ku biiray ciidamada Yuhuuda sanadkii 1991-kii,Wuxuu soo noqday taliyaha 35-aad ee Guutada Parachute Corps Battalion .
Sannadkii 2010-kii, Namruud waxa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxaana loo magacaabay taliyaha guutada Samaariya .
Waxaana sanadkii 2019 loo magacaabay taliyaha ciidamada lugta israel,gaar ahaan kuwa baarashuut-ka, wuxuuna xilkan hayay ilaa dhamaadkii sanadkii 2019-kii .
Jeneraal Namruud, maanta markii la qabanayey,wuxuu ahaa taliyaha ciidamada xuduudka israel qeybta Qasa ee gobolka koonfurta
Magaalooyin badan oo ay kamid yihiin Camaan, Baqdaad iyo Bayruut ayay dadku u dabbaaldegayaan guushii saaka ee Falastiiniyiinta, iyadoo magaalada Baqdaad lagu sharraxay calanka Falastiin iyo Howlgalka Duufaanta.