Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaallo culus oo Xalay oo Dhan Dhexmaraayay ciidamada...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaallo culus oo Xalay oo Dhan Dhexmaraayay ciidamada Isaraa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas

0

Dagaallo culus ayaa lagu soo waramayaa in xalay oo dhan ay ku dhexmarayeen ciidamada Isaraa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas 22 goobood oo Israa’iil ah, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan labo goobood oo la aaminsan yahay in afduub loogu haysto Israa’iiliyiin fara badan sida laga soo xigtay milatariga Israa’iil.

Sidoo kale la haystayaal kale ayaa laga gudbiyay xadka Qasa kaddib dagaalkii ugu adkaa ee Israa’iil la kulanto tan iyo dagaalkii Yoomu kibuur.

Ugu yaraan 250 Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay kaddib markii dagaal isugu jira cir, bad iyo dhul ay Xamaas ku qaaday gudaha Israa’iil. In ka badan 1,000 qof oo kale ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen, iyadoo illaa 3,000 oo gantaal lagu riday gudaha Israa’iil sida laga soo xigtay milatariga.

Sidoo kale 230 reer Qasa ah ayaa ku dhintay weerar aargoosi ah oo Israa’iiliyiintu ka gaysteen gudaha magaalada Qasa sida laga soo xigtay saraakiisha magaalada.

Ad
Previous articleXamaas oo xaqiijisay inay gacanta ku dhigeen Jeneraal Namruud iyo Benjamin Nettanyahu oo ka Hadlay
Next articleFaahfaahin Dheeri ah oo laga Helay Qarixii Cuslaa ee ka Dhacay Magaalada Baladxaawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here