Home Wararka Caalamka Xamaas oo Ugu Danbayn Aqbashay Heshiiskaan oo ay Mudo Diidanaayeen

Xamaas oo Ugu Danbayn Aqbashay Heshiiskaan oo ay Mudo Diidanaayeen

0

Xamaas ayaa aqbashay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo qorshaha lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil ee Gaza, waxayna diyaar u tahay inay wada xaajood ka galaan tafaasiisha heshiiskaas sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan kooxdaas, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka uu ku tilmaamay arrintas calaamad rajo leh.

Laakiin dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ayaan jawaabo rasmi ah ka helin Xamaas ama Israel hindisaha xabbad-joojinta ee ay Qaramada Midoobay taageerto, sida sarkaal ku dhow wada-hadallada uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, waxayna labada dhinacba soo jeediyeen Talaadadii in qorshuhu uu ku habboon yahay yoolalkooda wadahadalka, taasoo shaki gelinaysa in uu jiro dhabbo horudhac ah oo ku wajahan heshiis la galay.

Wadahadalada oo sidoo kale taabanaya qorshooyinka dagaalka ka dib ee Gaza ayaa sii socon doona labada maalmood ee soo socda sida uu sheegay Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken oo ku sugan Tel Aviv.

Blinken ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil si ay u soo afjaraan dagaalka cirka iyo dhulka ah ee siddeeda bilood jirsaday oo ka dhan ah Xamaas, maalin kaddib markii soo jeedintii madaxweyne Joe Biden ee xabbad joojinta uu ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soo jeedinta Biden waxa ay muujinaysaa xabbad-joojin, sii daynta la haystayaasha si loogu beddelo Falastiiniyiinta ku xiran Israa’iil, ugu dambayntiina horseeddaysa in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

Talaadadii, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Sami Abu Zuhri ayaa sheegay inay aqbaleen qaraarka xabbad joojinta ayna diyaar u yihiin inay ka wada xaajoodaan arrimaha gaarka ah.

“Maamulka Mareykanka waxa uu wajahayaa tijaabo dhab ah si uu u fuliyo ballamihiisii ​​ahaa in uu ku qasbo labada dhinac in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka iyadoo la fulinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Abu Zuhri.

Blinken waxa uu sheegay in hadalka Xamaas uu yahay “calaamad rajo leh” balse weli eray qeexan looga baahan yahay hoggaanka Xamaas ee ku sugan gudaha Gaza ee Israa’iil ay go’doomisay.

Ka dib markii uu Blinken u ambabaxay dalka Urdun, sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Israa’iil, oo codsaday inaan la aqoonsan, ayaa sheegay in hindisaha mareykanka uu u sahli doono Israa’iil inay gaadho yoolkeeda dagaal.

Sarkaalkan ayaa ku celceliyay ineysan wax iska bedelin mawqifkii Israel ee ahaa in awooda militari ee Xamaas iyo awooda maamulka Gaza la baabi’iyo, dhamaan la haystayaashana la sii daayo, lana xaqiijiyo Gaza oo aan wax khatar ah ku ahayn Israel mustaqbalka.

Dagaalkan ayaa billowday markii dagaalyahanno Falastiini ah oo Xamaas ka tirsan ay ay 7-dii Oktoobar soo galeen koonfurta Israa’iil, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 1,200 oo qof, in ka badan 250 kalena ay qafaasheen, sida ay sheegtay Israa’iil.

Weerarada cirka iyo dhulka ee Israel ku qaaday Qaza ayaa iyana dilay ugu yaraan 37,164 falastiiniyiin ah sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo warbixin soo saartay

Maraykanku waa saaxiibka ugu dhow ee Israa’iil iyo iibisa hubka, laakiin, adduunka intiisa badan, ayaa si weyn u dhaleeceeyay dhimashada weyn ee rayidka ah ee Gaza burburinta iyo masiibada bini’aadantinimo ee uu geystay weerarka Israel.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Ka Hadlay Dhaqaatiir Alshabaab u Afduubnaa oo Duqayn Lagu Dilay
Next articleMid kamid ah Horjoogayaashii Alshabaab ee Ku sugnaa Koonfurta Mudug oo Gacanta Lagu Dhigay