Home Wararka Maanta Xamaas oo oo Warkasoo saartay dadka xerada qaxootiga ee Marinka Qasa lagu...

Xamaas oo oo Warkasoo saartay dadka xerada qaxootiga ee Marinka Qasa lagu laayay

0

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka gaysteen xerada qaxootiga ee Al-Maghazi oo ku taalla bartamaha Marinka Qasa ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof .

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Xamaas ayaa sheegay in falkaan lagu dilay toddobaatanka qof uu kordhinayo guudahaan tirada dhimashada ee Qasa.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay eegayaan wararka ku saabsan weerarka dadka badan ku dhinteen.

Tobannaan qof oo ku dhawaacmay duqeynta ayaa loola cararay isbitaal u dhow xerada Maghazi oo lagu magacaabo Al-Aqsaa.

Sawirro iyo muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya carruur duqeynta dhaawacyo ka soo gaareen oo dhiig qariyay kuwaas oo dhanka isbitaalka loola ordayo si loo dabiibo.

Ad
Previous articleMucaaradka Puntland oo war culus kasoo saaray go’aanka ay SSC uga baxeen Puntland
Next articleMaxkamada Sare ee Puntland oo Ka Hortimid Go,aankii SSC uga Baxeen Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here