Home Wararka Maanta Xaliimo: Cali waxa uu ahaa nin naxariis badan oo gacan furan balse...

Xaliimo: Cali waxa uu ahaa nin naxariis badan oo gacan furan balse xanuunkan oo aan xamili waayay dartiisa ayaan iskaga furay

0

Xanuunkan ayaa waxa uu qofka uu ku dhaco u soo shiirayaa sida kalluunka oo kale. Magacaga cudurkan waaxaa la yiraahdaa Trimethylaminuria (TMAU) waa xaalad aan caadi ahayn, waxa uuna sababaa ur xun oo sida kalluunka ah. Waxaa kale oo loo yaqaan “xanuunka urta kalluunka “.

Mararka qaarkood waxaa sababa hiddo-sidaha qofka uu ka dhaxlo waalidkii oo khaldama, laakiin taasi mar walba ma dhacdo. Sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadka Qaranka UK ee NHS.

Xanuunka Trimethylaminuria (TMAU) wax dawo ah ma laha.

Haddaba xanuunkan waxa jirta Soomaalida qaarkeed oo qaba, kuwaasoo xitaa qaarkood ay u horseedday inuu qoysaskooda burburo.

Xaliima (ma ahan magaceeda saxda ah.) Waxay ku nooleyd magaalada Muqdisho. Waxa ay guursatay wiil uu jacayl kala dhexeeyay laakiin nasiib darro muddo ka dib way kala tageen sababo la xiriira shiirka jirkiisa ka soo baxaya.

“Cali (ma ahan magiciisa saxda ah) waxaan wada nooleyn muddo sannad ah laakiin waxaan u adkeysan waayay urka jirkiisa ka soo baxaya oo aan ku tilmaamo kalluun qurmay, waxaana go’aansaday inaan iska furo, ayay tiri Xaliima”.

“Waxaan la yaabay ayaa ah in Cali marka uu qubeysto iyo marka kaleba uu isku si u shiiri jiray, intii hore waxaan is dhihi jiray waa wax nadaafad kaliya la xiriira laakiin waxaan isku dayay inaan waxyaabaha carfa iyo saabuunno kala duwan u soo iibiyo balse waxba waa ay ka tari waayeen, waxaana go’aan ku gaaray in aan la sii noolaan, sidaa ayaana ku kala tagnay.”

“Marka laga soo tago urkaas sida kalluunka ah, Cali waxa uu ahaa wiil qurux badan, fiican oo deeqsi ah.”

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXamaas maxey ka tiri heshiiska xabad joojinta?
Next articleTaliye Mahad Salaad oo Gaaray Suuqa wayn ee Bakaaraha(Sawiro)