Home Wararka Maanta Xaliima Aadan oo ku jirta guddiga soo xulaya gabadha ugu quruxda badan...

Xaliima Aadan oo ku jirta guddiga soo xulaya gabadha ugu quruxda badan 2023

0

Ururka Miss Universe (MUO) ayaa ku dhawaaqay guddiga soo xuli doona gabadha ugu quruxda badan adduunka ee Miss Universe 2023, tartankan oo Sabtida lagu qaban doono San Salvador.

Guddiga ayaa waxaa u badan haween leh xirfado kala duwan oo meelo kala duwanna kasoo kala jeeda.

Waxaa ka mid ah gabadha asalkeedu Soomaali yahay ee Xaliima Aadan oo qudheeda hore uga qyeb qaadatay tartankan.

Xaliima oo 26 jir ah ayaa heysata dhalashada Mareykanka, waxayna ahayd qof iyadoo xijaaban dharka xayeysiisa.

Waxay ku dhalatay xero qaxooti oo Kenya ku taalla, kadibna iyaodo aad u yar ayay Mareykanka tagtay.

Sanadkii 2016, waxay dhigtay taariikh kadib markii ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban dharka xayeysiisa.

Ad
Previous articleMaxay tahay sababta SSC-Khaatumo looga reebay tartanka ciyaraha maamul-goboleedyada Soomaaliya?
Next articleMaxay Soomaaliya ka faa’iidaysaa heshiiska ammaan ee ay la gashay Sacuudiga?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here