Home Wararka Maanta Xaggee ku dambeeyeen dagaalamayaashii Al-shabaab ee boqolka kiilo mitir gudaha u galay...

Xaggee ku dambeeyeen dagaalamayaashii Al-shabaab ee boqolka kiilo mitir gudaha u galay DDS?

0

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaalka u dhexeeyeey Alshaab iyo ciidamada deegaanka ee Liyuu booliska, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dagaal xooggani uu ka socday deegaanka Huluul ee hoostaga degmada Hargeelle.

War  ay soo saartay xukuumadda deegaanka ayaa lagu sheegay in la soo afjaray dagaalkii ka socday Hargeelle isla markana khasarae xooggan la gaarsiyay Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.

Dagalamayaasha Islaamiyiinta ah ayaa in ka badan boqol kiilo mitir gudaha Dowlad Deegaanka u soo galay iyagoo ka soo ka  tallaabay xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

Goobjoogayaal ayaa horay BBC-da ugu sheegay in ay arkayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiid dhowr ah oo u gudbaya dhulka Itoobiya, waxaana la sheegay in uu dhacay dagaal xooggan.

BBC-da oo mar sii horreysay la xiriirtay laamaha amniga ee Dowlada Deegaanka ayay u sheegeen in xoogagga taabacsan Al-shabaab lagu hereereyay aagga Huluul lee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer ka dib markii ay ka soo gudbeen tuulada ‘Aato’ ee xadka Soomaaliya ay Itoobiya la wadaagto.

Maleeshiyadka gudaha u soo galay Dowlad Deegaanka ayaanan ilaa haatan la ogeyn halka ay ku wajahnaayeen iyo u Jeeddadooda rasmiga ah.

Hase yeeshee waxaa xusid mudan in hadda ka hor howgal ay ciidamada Liyu Booliska ka fuliyeen tuulo la yirahdo Hilo Madow oo ka tirsan degmada Ceel Karri, halkaas oo Liyu Booliska ay ka soo saareen god weyn oo uu ku aasnaa noocyo kala duwan oo hub ah sidoo kalana ay soo qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab marka waxay u muuqataa in soo gelitaankooda uu la xiriiro dhacdadaasi.

Ilaa haatan ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya oo si rasmi ah uga hadlay weerarka Al-shabaab ay ku ekeyeen dowlad degaanka Soomaalida.

Balse waxaa cambaareyay mas’uuliyiinta ururada iyo Xisbiyada Mucaaradka sida ONLF iyo Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta.

Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqay in Xukuumaddiisu muhiimad gaar ah siiseynso dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka.

Kooxda Alshabaab ayaa inta badan lagu eedeeyaa amni-darrada Soomaaliya.

 Dhanka kale bishii febaraayo ee sannadkii 2020-ka ayuu raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse “laamaha amniga ayaa fashiliyeen”.

Soomaaliya ayaa xaalad cakiran ku jirtay muddo 30 sano ah. Markii Midowga Afrika (AU) uu go’aansaday inuu ciidamo loogu magac daray AMISOM u diro Soomaaliya sanadkii 2007, dalka Itoobiya wuxuu ka mid noqday dalalka ciidamadiisa ku biiriyay.

Ad
Previous articleBooliska Gobolka Banaadir oo Toogasho ku dilay mid Ka Mid ahaa Al-Shabaab oo weerar Soo Qaaday
Next articleKenya oo Mudo kadib maanta bilaabeyso Duulimaadyada qaadka ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here