Home Wararka Caalamka Xafiiska Hay’adda CIA-da Maraykanka ee dalka Turkiga oo si cad ugu hanjabay...

Xafiiska Hay’adda CIA-da Maraykanka ee dalka Turkiga oo si cad ugu hanjabay ganacsatada dalkaas

0

Xafiiska Hay’adda CIA-da Maraykanka ku leedahay dalka Turkiga ayaa si cad ugu hanjabay ganacsatada dalkaas, ugana digay inay la ganacsadaan kuwa Ruushka, taasi oo ka yaabisay Turki badan.

CIA-da ayaa sidoo kale baaritaan ku billowday heshiisyada hantida maguurtada ah ee ganacsatada Turkish-ka, ayada oo Mareykanka uu ka walaacsan yahay in Ruushka ay ka baxsanayaan cunaqabatyanta la saaray.

Madaxa laanta CIA-da ee Turkiga ayaa lagu eedeeyey inuu la xiriiray shaqaale sare oo katirsan shirkadaha dhismaha dalkaas, isaga oo su’aalo ka weydiiyay la macaamil ganacsi iyo xogo kale oo qarsoodi ah oo la xiriira iibsigii ugu dambeeyey ee hantida maguurtadaa ah oo ay ku lug leeyihiin shirkadaha Ruushka iyo muwaadiniin u dhashay, sida uu ku warramay wargeyska Turkish-ka ah ee Yeni Safak oo soo xiganaya ilo ganacsato ah.

Sida ay ku warrantay warbixinta, sarkaalkan sare ee CIA-da ah, wuxuu ganacsatada Turkida ah weydiinayay su’aalaha isaga oo su’aalihiisa ku saleynaya cuna-qabateynta ka-dhanka ah Ruusha ee uu Maraykanku saaray.

Sarkaalka ayaa xiisaynayay inuu ogaado tirada saxda ah ee guryaha laga iibiyay Ruushiyaanka iyo habkii loo maray bixinta lacagaha.

Warbaahinta ayaa tallaabtan ugu yeertay fara-gelin qaawan oo lagu sameynayo xoriyadda gaar ahaaneed ee Turkiga.

Sidoo kale, ku-xigeenka Xogyaha Maaliyadda Maraykanka Wally Adeyemo ayaa warqad uu u diray Midowga Isu-tagga Warshadaha iyo Ganacsiyada Turkiga ee TUSAID wuxuu ugu hanjabay inuu cuna-qabateyn kusoo rogi doono xubnaha katirsan ee xiriirka ganacsi la leh Ruushka.

TUSAID ayaa xaqiijisay inay heshay warqadda – iyada oo xustay inay la wadaagtay wasaaradda arrimaha dibadda iyo maaliyadda Turkiga.

“Shaqsiyaad ama hay’ado kasta oo taageero agab ah siiya dadka uu Maraykanku ‘calaamadeystay’ waxay halis ugu jiraan in la saaro cuna-qabateyn,” ayuu Adeyemo kusoo qoray dhambaalkiisa iyada oo nuxurka sheekadiisa ku jirta ay markii ugu horreysay baahisay Jariiradda The Wall Street Journal.

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMarkii uu Madaxweyne Farmaajo baxay ayuu suuqa Soomaaliya naga xirmay oo aan lacag Badan Ka Heli Jirnay
Next articleDibed-baxayaal careysan oo la wareegay qasriga Madaxtooyada Ciraaq (Sawirro)