Home Wararka Caalamka Dibed-baxayaal careysan oo la wareegay qasriga Madaxtooyada Ciraaq (Sawirro)

Dibed-baxayaal careysan oo la wareegay qasriga Madaxtooyada Ciraaq (Sawirro)

0

Wadaad Shiico ah oo saameyn weyn ku leh dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay inuu iska casili doono siyaasadda Ciraaq, taasoo keentay in boqollaal xertiisa ah oo careysan ay xoog ku galaan xarunta qasriga madaxtooyada Ciraaq ee ku yaalla Baqdaad, waxaana isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dadka dibed baxyada waday ku dhintay ugu yaraan 10 qof.

Dibad-baxayaasha daacadda u ah wadaadka Muqtada Al-Sadr ayaa xarko ku jabiyay xayndaabkii shamiitada ee bannaanka hore ee qasriga madaxtooyada, waxayna jebiyeen albaabka qasriga. Qaar badan oo ka mid ah ayaa ku soo yaacay sariiraha quruxda badan iyo hoolalka qasriga oo ah goob muhiim ah oo ay ku kulmaan madaxda Ciraaq iyo madaxda shisheeye.

Milateriga Ciraaq ayaa ku dhawaaqay bandow dalka oo dhan ah, waxaana ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu hakiyay kulamadii golaha wasiirrada si looga jawaabo rabshadaha. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof oo mudaaharaadayay ay ku dhaawacmeen rasaasta halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo gacan ka hadal ay la galeen booliska rabshadaha ka hortaga.

Dowladda Ciraaq ayaa fadhiid ah tan iyo markii xisbiga al-Sadr uu ku guuleystay saamiga ugu badan ee kuraasta doorashadii baarlamaanka bishii Oktoobar balse kuma filna in uu helo dowlad aqlabiyad ah. Diidmada uu diiday in uu la xaajoodo shiicada ay Iran taageerto iyo ka bixista wadahadalada ayaa waxa ay dalka galisay hubanti la’aan siyaasadeed iyo khal khal siyaasadeed oo ka dhex aloosan shiicada.

Dadka Muslimiinta ah ee Ciraaq ku nool ayaa u badan laba qaybood oo kala ah Shiico iyo Sunni. Xilligii Saddaam Xuseen, Shiicadu waa la dulmay ilaa duullaankii Maraykanku hoggaaminayay uu ka beddelay nidaamkii siyaasadeed. Hadda shiicada ayaa dhexdooda ka dagaalamaysa, iyadoo khilaafku uu salka ku hayo awoodda iyo hantida dowladda.

Dibed baxayaasha Waxay ku baaqayaan in la kala diro baarlamaanka, lana soo hormariyo doorashooyinka iyadoo aan laga qeybgalin kooxaha shiicada ah ee Iran ay taageerto, oo ay u arkaan inay mas’uul ka yihiin xaaladda taagan.

Raisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mustafe Al Kaadimi ayaa muddahaaradeyaasha ka codsaday inay ka soo baxaan aagga cagaaran ee magaalada Baqdaad oo ah goobta uu ku yaalla Qasrigii Madaxtooyada loo daatay

 

Ad
Previous articleXafiiska Hay’adda CIA-da Maraykanka ee dalka Turkiga oo si cad ugu hanjabay ganacsatada dalkaas
Next articleMassuul ka Tirsanaa Gobalka Banaadir oo Goordhow Qarax la gudilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here