Home Wararka Maanta Xaaska Hogaamiyihii Daacishta Soomaaliya oo Xukun adag Maantay lagu Riday

Xaaska Hogaamiyihii Daacishta Soomaaliya oo Xukun adag Maantay lagu Riday

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo ah Xaaska hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo C/qaadir Muumin.

Haweeneydan oo isticmaaleysay magacyada kala duwan, sida Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa ayaa taariikhdu marka ay aheyd 21/03/2022 laga soo xeray gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayada oo loo heysto kamid ahaanshiyaha kooxda Daacish.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa shaaca ka qaaday inay u qaabilsaneyd arrimaha lacagaha.

Sidoo kalena waxaa lagu eedeeyay in ay marti gelin jirtay xubnaha kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaya magaalada Mudisho ama kuwa ku cusub.

Haweeneydan ayaa sidoo kale lagu helay inay xeriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish, ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee caalamlka Bilal-Alsudani kaas oo uu 27-kii bishan January howlgal uu ku dilay Mareykanka.

“Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho,”‘ ayyey tiri Maxkamadda.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu intaasi kusii dartay in ay la guur guureysay, isla-markaana ay ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto, balse ay rasmi u daganeyd Gaalkacyo.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun, wsaxayna ugu dambeyn Maxkamadu fadhigeedii gabagabada ahaa soo dhamaysatay 17-kii bishaan January 2023.

Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu ku dhowaaqday Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleLabo Qarax oo Is Xiga oo ka Dhacay Magaalada Stockholm ee Caasimada Sweden
Next articleDiyaaradihii Kasoo Dagi lahaa Garoonka Muqdisho Talaada Iyo Arbacada oo La Joojiyay iyo Dowlada oo ka Hadashay