Home Wararka Galmudug Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe oo ku Geeriyootay Magaalada Muqdisho

Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe oo ku Geeriyootay Magaalada Muqdisho

0

Xaaska fanaanka Dayax Dalnuur Farxiya Cabdirixiim ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho sida ay inoo xaqiijiyeen eheladeedi, marxuumada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ku xanuunsanaysay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Maalmihii ay ku jirta isbitaalka fanaanka ayaa barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in xaaskiisa loosoo duceeyo oo xanuunsanaysay balse ugu dambeyn maanta ayay Geeriyootay.

Qaar kamid ah ehelada Farxiya ayaa warbaahinta u sheegay in maalinta Khamiista oo Berrito ah marxuumadda lagu aasi doono Qabuuraha Isbitaal Madina.

Madax hore usoo martay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Taliyihii hore ee NISA Mahad Salaad, Siyaasiyiin, fanaaniin, bahda caanka ka ah baraha Bulshada ayaa intaba uga tacsiyadeeyay fanaan Dayax Dalnuurshe iyo qoyskii ay ka baxdayba marxuumad Farxiya oo ifka uga tagtay Hal Gabar oo ay fanaanka u dhashay.

Wadajirkoodi iyo yagleelidii Qoyskaan ee Dayax iyo Farxiyo dhowr jeer ay ka sheekeysay waxa ay tilmaamtay in daruufo adag ay nolosha soo mareen markii dambese ay uga baxeen kalsooni, kalgaceyl, samir iyo isku duubni.

Farxiya oo ahayd qof dhalinyaro firfircoon ayaa si weyn looga yaqaanay bulshada dhexdeeda, waxaana geerideeda kadiska ah si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, halkaas oo dadka ay tacsi iyo duco ugu dirayaan.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo kala hadashey Qaramada Midoobe Abaaraha ka jira Dalka
Next articlePuntland oo Shaacisay inay Heyso Rag ka tirsan Kooxda Daacish