Home Wararka Maanta Xaalada Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug oo Howlo Miino Baaris ah laga...

Xaalada Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug oo Howlo Miino Baaris ah laga sameeyay

0
Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 6-aad ee Guutada 16 Aad  ayaa hawlgallo kala duwan waxaa ayka wadaan deegaano u dhow Deegaanka Camaara Ee Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa shalay gelinkii hore waxaa ay dagaal kula wareegeen degaanka Camaara, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay Ciidamada weerareen degaanka.
Taliyaha Ururka 6-aad ee Danab Dhame Abdi Ladiif Ahmed Feefle ayaa hoggaaminaayo Ciidamada Hawlgalada ka wada aagga Camaara ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii loo sugi lahaa ammaanka degaanka iyo degaannada u dhow.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka intiisa badan uu yahay mid ay ku baarayaan miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen wadooyinka soo gala degaanka Camaara si ay Bulshada ugu dhibataayeen, isla markaana howlgalkooda ay sii wadi doonaan.
Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday howlgallo kala duwan, iyada oo ay Ciidamada dowladda howlgallada kula wareegeen degannada Camaara iyo Bacaadweyn ee Gobolka Mudug

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDhageyso: Cabdi Qeybdiid oo ka Hadlay Dagaalada Ka Socda Gobolka Mudug iyo Goobaha ay Qabsadeen
Next articleCiidamadii Badbaado Qaran oo Mushaarkii Laga Goostay