Home Wararka Maanta Xaalad adag oo Nairobi ku qabsatay Dayuurad uu la socday taliye Mahad...

Xaalad adag oo Nairobi ku qabsatay Dayuurad uu la socday taliye Mahad Salaad

0

Dayuurad uu la socday Taliyaha heyadda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ayaa arbacadii ina dhaaftay waxay xaalad adag ku qabsatay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Mudug24 u sheegay in dayuurada oo ku soo jeeday Muqdisho ay sidoo kale la socdeen Xildhibaano ka tirsan aqalka sare oo Seminaar loogu soo xiray magaalada Nairobi iyo tiro dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in inta aysan dayuurada soo duulin nin ka mid ahaa rakaabkii la socday uu si halhaleel ah uga soo degay gudaha dayuurada isagoo ku andacoonaya inuu ka baaqanayo safarka sababo uu ku sheegay in xanuun caloosha ah uu hayo.

Ninkii rakaabka ahaa ayaa la sheegay iney qabteen Booliska isagoo ku adkeystay inuusan raaceynin dayuuradaas, waxayna arrintaas dhalisay shaki laga qaaday ninkaas iyo tuhun weyn oo la xiriira in dayuurada ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, iyadoo xaalada ay ka sii dartay markii la ogaaday in boorsooyin uu lahaa ninkaas ay ku jiraan qeybta lagu keydiyo allaabaha xamuulka ah ee dayuurada.

Booliska Kenya ayaa amray in la soo dejiyo dhammaan dadkii la socday dayuuradaas oo ay ku jireen taliye Mahad Salaad iyo Xildhibaanadii dayuurada wax ka saarnaa, waxaana la geeyey goob amaan ah.

Macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Booliska iyo sirdoonka Kenya ee joogay garoonka Jomo Kenyatta ay baaritaan guud ku sameeyeen dayuurada, iyadoo dib loo baaray dhamaan  boorsooyinkii ku jiray qeybta xamuulka dayuurada.

Baaritaankan oo qaatay muddo ka badan saddex saacadood oo xiriir ah ayay wararku sheegayaan inuu soo dhamaaday iyadoo aan wax hub ah ama waxyaabaha qarxa laga helin gudaha dayuurada oo markii dambe la fasaxay, si amaan ahna ku soo gaartay Muqdisho, inkastoo saacado badan uu dib u dhac ku yimid duulimaadkeeda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab weerar kusoo ahaa Ciidamada Dowlada oo ayagii weerar lagu Qaaday iyo dagaal Culus oo dhacay
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Rag ka Tirsanaa Alshbaab oolagu Dilay Suuqa Bakaaraha