Home Wararka Maanta Wiilkiisa ayuu usoo iibiyey cabitaan wax yar kahor inta aan geeridiisa la...

Wiilkiisa ayuu usoo iibiyey cabitaan wax yar kahor inta aan geeridiisa la ii sheegin

0

Dhaqtar ayaa ku dhintay isku dhac la sheegay in uu dhexmaray dadka deegaanka Yamaarugley ee Dawlad Deegaanla Soomaalida, iyo ciidamo ka tirsan ismaamulka Soomaalida.

Nasteex Maxamed jaamac, oo ahaa dhaqtar ka howlgali jiray xarun caafimaad oo ku taal deegaanka Yamaarugley oo hoostagta degamada Gallaadi ee gobolka Doollo, ayaa la sheegay in rasaas ooda laga qaaday dad uu kamid ahaa waxay uga dhacday madaxa iyo neefmareenka, sida uu noo sheegay, Axmed Gooni, oo ah adeerkiis goobjoogana ka ahaa dhacdada.

“Qaybta sare ee jirkiisa gaar ahaan madaxa ay ka haleeshay raasaastu, wuuna u geeriyooday…runtii waxaan ku tilmaami karaa dhacdo xanuun leh oo fool xun” ayuu BBC da u sheegay Axmed Gooni.

Waxaa kale oo goobta ku dhaawacmay laba qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo xaalkooda caafimaad wali lala tacaalayo. Mid kamid ah ayaa naloo sheegay in xalkiisu aad u daran yahay.

Sida uu BBC da u sheegay aabaha dhalay dhaqtar Nasteex, wuxuu kamid ahaa dadka fara-ku-tiriska ah ee aqoonta leh ee ku sugnaa magaalada yar ee Yamaarugley.

“Wuxuu ahaa ilma saddexaad ee an dhalay. Wuxuu la dhashay shan gabdhood. Xaaskayga wayn ayaa dhashay, wuxuu ii ahaa garab i caawiya dhanka dhaqaalaha, sida uu ku baxayna waxay ahayd dhacdo fool xun” ayuu BBC da u sheegay aabe Maxamed oo dib u goconaya sida wiilkiisa garab ugu ahaa.

Waxa uu aabuhu sheegay in uu ahaa wiilka kaliya ee ay hooyadiis rag ka dhashay.

Sida uu noo sheegay Axmed oo goobjooge ka ahaa dhacadada, dhaqtarka dhintay ayaa kamid ahaa dad ka koobanaa waxgarad iyo culimo oo ku baxay inay kala dhexgalaan dad shacaba iyo ciidan ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida oo isku dhac dhexmarayay, balse uu u geeriyooday rasaas goobta ka dhacday.

Qoyska dhaqtarka ayaa aaminsan in rasaasta ku dhacday wiilkooda ay rideen ciidamada dawladda. Balse inagu si madax banaan uma xaqiijin karno. Waxay sheegeen in ay ka rajeynayaan dawladda in ay kala hadasho dhimashada wiilkooda.

“Ma jirto cid ka tirsan maamulka heer deegaan, gobol iyo dowlad degaan oo nala soo xiriiray ama noo tacsiyeeyey,” ayuu BBC-da u sheegay aabe Maxamed.

BBC da ayaa isku dayday in ay la xiriirtu maamulka dawlad deegaanka Soomaalida si ay arrintaan wax uga waydiiso, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

“Wiilkiisa ayuu cabitaan u soo gaday ka hor geeridiisa”

Samsam Xuseen Jaamac waa xaaska dhaqtar Nasteex, waxay wali xasuusataa adeegii uu usoo iibiyay wiilkooda yar ka hor inta uusan aadan magaalada oo aan loo sheegin geeridiisa.

“Wuxuu wiilkiisa u soo gaday cabitaan ama sharaab intii aanu ka bixin guriga. Markii uu baxayey waan waydiiyey halka uu u socdo, wuxuu ii shegay inuu aadayo xarunta caafimaadka balse barqadii ayaa la ii soo sheegay geeridiisa. Waxay ahayd naxdin, wuxuu ahaa aabe wanaagsan oo dabeecad leh ” ayey BBC da u sheegtay Samsam oo cod hooseeya ku qeexaysa wixii ugu dambeeyay ee dhexmaray odeygeedii ay jeclayd.

Waxay sheegtay in tahay umul oo ilmahooda ugu yaraa uusan gaarin bil. Waxay xustay in ay rajaynayso in cadaalada la horgeeyo kuwii dilkiisa sababta u ahaa.

Dhaqtar Nasteex ayaa lagu aasay deegaanka Yamaarugley oo ahayd goobtii uu mudda ka ahaa dhaqtarka.

Kumuu ahaa dhaqtar Nasteex Maxamed Jaamac?

Dhaqtar Nasteex Maxamed Jaamac waxa uu ku dhashay tuulada Uur-madag oo ka tirsan degmada Gallaadi ee gobolka Doole ee dowlada deegaanka Soomalida

Waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay deegano hoostaga degamada Gallaadi. Sida uu aabihiis noo sheegay wuxuu ahaa nin ku wanaagsan waxbarashada.

Heerkiisa jaamacadeed wuxuu ku qaatay culuumta caafimaadka isagaoo ka baxay jaamacada Qabri- Dahar, isaga oo ka mid noqday shaqaalaha caafimaad ee ka howlgalayey xarunta caafimaad ee ku taalay deegaanka Yamaarugley.

Dhaqtar Nasteex Maxamed wuxuu ifka ugu tagay hal xaas iyo saddex caruur ah.

Eheladiisu waxay ku tilmaameen inuu ahaa shaqsi dadaal badan muddadii uu ka shaqaynayey howlaha caafimaaadka.

Waxaa kale oo ehelku ay ku tilmaameen marxuunka inuu ahaa shaqsi ka shaqeeya nabada iyo horumarinta deegaanka.

Ad
Previous articleSafiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu raali-gelin uga bixiyay hadalo gaf ahaa uu u geestay midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya. Wareysi uu warbaahinta Itoobiya siiyay safiirka ayuu ku difaacay heshiiskii ay dhawwaan magaalada Adis Ababa ku gaareen Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Qoraal uu goordhaw bartiisa Twitterka ku daabacay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho ayuu raali-gelin buuxda uga bixiyay wareysigii uu bixiyay, waxa uuna cafis weydiistay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan raali galin ka bixinaya waraysigii aan dhawaan warbaahinta dalkeyga aan siiyey ma ahayn mid lagu qanci karo, waxaana cafis weydiisanayaa walalaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,Soomaaliya iyo itoobiya waxay wadaagaan xariir qoto dheer, waxaa iga go’an ka Safiir ahaan inaan si xoog ah ugu shaqeeyo oo aan xoojiyo xariirka labadeena dal ee walalaha si loo xoojiyo wada shaqeeynteena” ayuu yire danjire Mukhtar Maxmed Waare safiirka Itoobiya. Raali-gelinta safiirka Itoobiya ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli isna Ra’isul Wasaaraha Itoobiya dhawwaan shaaciyay in uu aqoonsan yahay midnimada Soomaaliya ayna wadin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya.
Next articleCiyaarta berri ee Galmudug iyo HirShabeelle oo war cusub laga soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here