Home Wararka Maanta Wiilal uu Dhalay Hogaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh oo Duqayn lagu laayay

Wiilal uu Dhalay Hogaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh oo Duqayn lagu laayay

0

Hogaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh ayaa u xaqiijiyay warbaahinta carabta in saddex kamid ah wiilashiisa looga dilay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday Qasa.

Waxay daba socotaa warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Xamaas ee Gaza oo sheegaysa in saddex wiil – Hazem, Amir, iyo Muhammad Ismail Haniyeh – iyo dhowr ka mid ah caruurta uu awoowaha u yahay ay ku dhinteen duqeynta ka dhacday xerada qaxootiga ee xeebta ee galbeedka magaalada Gaza.

Madaxa siyaasadda Xamaas oo fadhigiisu yahay dalka Qatar, ayaa Aljazeera ku sheegay wareysi uu khadka taleefoonka ku siiyay in wiilashiisa ay ku hareen Gaza intii uu socday dagaalka.

Sawirro shucaac ah oo lagu soo bandhigay shabakada ayaa muujinayay maydadka oo burburku ku dul habsaday.

Ma ahan xubnihii ugu horreeyay ee qoyska Haniyeh ee lagu dilo dagaalka – wiil kale ayaa la sheegay in la dilay bishii Febraayo, halka walaalkii iyo wiil uu adeer u ahaa la dilay bishii Oktoobar, waxaana ku xigay wiil uu awoowe u yahay bishii November.

Ad
Previous articleDalka horay u mamnuucay TikTok iyo PUBG Haddana mamnuucaya Facebook iyo sababta keentay
Next articleBilan Cismaan oo ah Gabar Soomaali ah oo Ku Dhacday Damin uu U Dhigay nin Yahuudi ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here