Home Wararka Maanta Wiil yar oo Falastiini ah oo su’aashiisa laga jawaabi la’yahay

Wiil yar oo Falastiini ah oo su’aashiisa laga jawaabi la’yahay

0

Cumar oo afar jir ah oo dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ayaa su’aashan waydiinaya dadka ku sugan isbitaal ku yaalla Qasa oo dhaawaciisa lagu dabiibayo.

Qaraabadiisa oo hadda gacanta ku haya ayaa sheegaya in su’aashaan aaney jawaab u haynin.

Moin Abu Rezak, ayaa yiri, “Markii uu iwaydiiyay qoyskiisa, waan ka jawaabi waayay.” Aad ayaan u wareeray oo waxaan isku dayay inaan su’aasha iska ilaaliyo anigoo ka hadlaya wax kale sida ilmo.

Xaaladda Cumar, oo la dhigay isbitaalka Al-Aqsa ee Qasa, ayaa ah mid halis ah.

Dhakhaatiirtu waxay ku qasbanaadeen inay Cumar ka gooyaan gacanta bidix iyadoo lugta midigna uu dhaawac kaga yaallo.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo laabta iyo wejiga ka soo gaaray. Cumar ayaa sidoo kale dhaawac ka ah daanka waxaana jirkiisa ku duuban faashado badan.

Ilmahaan yar ee saqiirka ah ayaa dhaawacyadan soo gaareen kadib weerar Israa’iil ay gaysatay oo ay ku nafwaayeen 35 xubnood oo qoyska Cumar ka tirsanaa. Cumar hooyadiis, aabbihiis iyo ayeeyadiis ayaana ka mid ahaa dadka dhintay.

Ad
Previous articleBaarlamanka Puntland oo ka soo horjeestay go’aankii maxkamadda dastuuriga ah ku laashay mudda kororsiga ay sameysteen.
Next articleWaxa looga Hadlaayo Shirka Xasan shiikh u aaday newyork oo La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here