Home Wararka Maanta Wiil uu Dhalay Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dil Gaystay Turkiga oo Baxsaday...

Wiil uu Dhalay Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dil Gaystay Turkiga oo Baxsaday iyo Dowlada Turkiga oo Ka Hadashay

0

Duqa magaalada Istanbul ee dalka Turkey, Ekrem İmamoğlu ayaa shaaca ka qaaday in wiilka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyey dilka muwaadin Turkish ah, uu dalka ka baxsaday.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday

“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu.

Waxa uu intaas ku daray “Xanuunka qoyska dhibbanaha ah ayaa sii kordhay. Caqliyadda indhaha ka qarsanaysa, oo ogolaanaysa baxsashadan, nasiib darro, waa mid aad u liidata oo aan difaaci karin xuquuqda muwaadinka dalkiisa.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGolaha Xukuumadda Saciid Deni oo u hanjabtay baarlamaanka kadib tallaabadii ay qaadeen
Next articleWaa kuma Cabdiraxmaan Kulmiye oo sirdoonka Somaliland sheegay ‘inuu yahay basaas ay gacanta ku dhigeen’?