Home Wararka Maanta Wiil Somaali ah oo dilay gabar xiriir kala dhaxeeyay kadibna is-dilay

Wiil Somaali ah oo dilay gabar xiriir kala dhaxeeyay kadibna is-dilay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo uu wiil Soomaali ah habeenimadii Khamiista ka geystay dalka Mareykanka,

Dhacdadan oo si gaar ah uga dhacday magaalada Colombus ee gobolka Ohio ayaa timid, kadib markii wiil Soomaali ah uu dilay gabar kale oo Soomaali oo uu xiriirkala dhexeyay, kadibna uu isagu is dilay, sida ay shaaciyeen saraakiisha booliska ee magaaladaasi.

Ninka dilka geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Dirir, wuxuuna ahaa 23 sano jir, halka gabadha lagu magacaabi jiray Aasiyo Muuse oo iyana aheyd 22 sano jir.

Booliska oo soo saaray warbixin la xiriirta falkaas ayaa sheegay in Cali Diriri uu xabad ku dhuftay Aasiya Muuse, kadibna uu isagu is toogtay, waxaana markii hore soo gaaray dhaawacyo, balse gabadha ayaa geeriyootay intii loo waday isbitaalka, kadibna wiilka ayaa isna saacado ka dambeeyay, isaga oo ku dhintay isbitaalkii la geeyay.

Sidoo kale booliska oo maydadaka hayey muddo dheer ayaa haatan u fasaxay ehellada si loo aaso gabadha iyo wiilka.

Wararka ayaa intaasi ku daray in Cali Dirir iyo Aasiyo Muuse uu xiriir ka dhexeeyay, balse uu ka shakiyay, kadibna uu sidaas ku khaarijiyay.

Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in labadooda ay ku ballansanaayeen guur lix bilood kadib, balse uu soo kala dhex-galay khilaafk ugu dambeyb sabay geeridooda.

Si kastaba, falkan ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Colombus ee gobolka Ohio, waxaana sidoo kale ka dhashay hadal heyn xoogan.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal Qaraar oo Saacado Badan Socday Ka dib iyo Jeneraal sheegoow oo La Qabtay
Next articleBooliska Soomaaliya oo Ka Hadaly Sababta Loo Weeraray loona Soo Qabtay Jeneraal Sheegoow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here