Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo uu wiil Soomaali ah habeenimadii Khamiista ka geystay dalka Mareykanka,
Ninka dilka geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Dirir, wuxuuna ahaa 23 sano jir, halka gabadha lagu magacaabi jiray Aasiyo Muuse oo iyana aheyd 22 sano jir.
Booliska oo soo saaray warbixin la xiriirta falkaas ayaa sheegay in Cali Diriri uu xabad ku dhuftay Aasiya Muuse, kadibna uu isagu is toogtay, waxaana markii hore soo gaaray dhaawacyo, balse gabadha ayaa geeriyootay intii loo waday isbitaalka, kadibna wiilka ayaa isna saacado ka dambeeyay, isaga oo ku dhintay isbitaalkii la geeyay.
Sidoo kale booliska oo maydadaka hayey muddo dheer ayaa haatan u fasaxay ehellada si loo aaso gabadha iyo wiilka.
Wararka ayaa intaasi ku daray in Cali Dirir iyo Aasiyo Muuse uu xiriir ka dhexeeyay, balse uu ka shakiyay, kadibna uu sidaas ku khaarijiyay.
Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in labadooda ay ku ballansanaayeen guur lix bilood kadib, balse uu soo kala dhex-galay khilaafk ugu dambeyb sabay geeridooda.
Si kastaba, falkan ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Colombus ee gobolka Ohio, waxaana sidoo kale ka dhashay hadal heyn xoogan.