Home Wararka Maanta Weriye Mareykan ah oo lagu xiray Ruushka oo maxkamad la soo taagay

Weriye Mareykan ah oo lagu xiray Ruushka oo maxkamad la soo taagay

0

Maxkamad ku taalla magaalada Mosko ayaa sidii la filayey u diidaay rafcaan ah in aan la xirin maxkamadda ka hor ka diiday saxafi Mareykan ah ,. Evan Gershkovich

Dowladda Ruushka yaa ku eedesay Evan Gershkovich Fal basaasnimo, eedeyntaas oo si xoog leh u beeniyey isaga iyo wargeyska Wall Street oo uu u shaqeynayey.

Markii ugi horreyesay ee uu maxkamad ka soo muuqado tan iyo markii la xiray ayey ka soo wareegtay saddex toddobad.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in saxafigu isku dayayey in uu gacanta ku dhigo xogo muhiiim ah laakiin sheegashooyinkaas wax caddeymo ah looma keenin

Waa saxafigii ugu horreeyey ee Mareykan ah ee wajaha eedeymo basaasnimo ah tan iyo xilligii Midowii Sofeeti.

In ka badan afartan dal oo uu ku jiro Mareykanka ayaa ku baaqay in la sii daayo waxayna ku tilmaameen xarigiisa mid lagu dhibaataynayo saxaafadda .

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab
Next articleMagaalada Khartuum oo Xabad joojin ku meel Gaar ah looga Dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here