Home Wararka Somaliya Weerarka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde oo Faah-faahin laga helayo

Weerarka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde oo Faah-faahin laga helayo

0

Rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa waxaa Maanta ay weerar ku qaadeen Goobo kuyaalla Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho una dhow Xerada Afisyoone , kuwaas oo siweyn amaankooda loo ilaalinayay.

Ragga weerarka geystay ayaa la sheegay inay ka gudbeen dhinaca Marine-gate ee Iskuul Bulusiya, isla markaana ay dagaal culus gula galeen ciidamada dowladda & kuwa AMISOM gudaha xarunta hay’adda maamusha Eeyaha baaraha baabuurta galeysa Garoonka.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in la gubay Goobo Shidaal lagu iibiyo oo ay leedahay Shirkada Docol, kuwaas oo uu dab ka kacay , waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.

Afhayeenka Ciidada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in laba shaqsi oo hubeysan ay isku dayeen inay gudaha u galaan qeyb ka mid ah  xero ku dhaw Airpor.ka dhinaca xerada mariino balse ay hor istaageen Ciidanka amaanka.

Marka laga soot ago Warka kasoo baxay booliska ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in raga weerarka geystay ay gaarayeen ilaa Afar Ruux, hayeesee ugu dambeyn ay soo afjareen Ciidamo katirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad

Ad
Previous articleTurkiga oo ka hadlay Munaafaqnimada Reer Galbeedka ee Dagaalka Ukraine
Next articleCiidamada haramcad oo Soo Afjaray Weerarkii Lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here