Home Wararka Maanta Weerar Tooray loo adeegsaday oo ka dhacay Iskuul ku yaalla Sweden

Weerar Tooray loo adeegsaday oo ka dhacay Iskuul ku yaalla Sweden

0

Weerar loo adeegsaday tooray ayaa ka dhacay iskuul ku yaalla Eslöv oo ka tirsan Skåne.

Weerarka ayaa lagu dhaawacay Mid kamid ah Shaqaalaha ka tirsan iskuulka oo da’diisa lagu sheegay 45 sano jir.

Sida uu sheegay afayeen u hadlay booliska marka uu weerarka dhacay kadib ayaa la xiray wiil dhaliyaro ah oo 15 sano jir kaasi oo looga shakisanyahay in uu weerarka ka danbeeyay.

Dhismaha iskuulka oo ahaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa la xiray. Ma jiro arday wax ku noqday, dawladda hoose ee Eslöv ayaa ku qortay boggeeda internetka, halkaas oo farriin ku saabsan weerarka lagu daabacay 8:41 AM.

Booliska iyo gurmadka ayaa durbadiiba goobta gaaray.

Ad
Previous articleQarax ismiidaamin ah oo Goor dhaw ka dhacay Muqdisho
Next articleHeerka Dhalmada ee Wadanka Norway oo korortay kala Bar Sanadkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here