Home Wararka Caalamka Weerar lagu qaaday Warshada Nukliyeerka ee Ukraine oo Cabsi ku abuurtay Yurub

Weerar lagu qaaday Warshada Nukliyeerka ee Ukraine oo Cabsi ku abuurtay Yurub

0

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay warshadda quwada ee ugu weyn qaaradda Yurub, kaddib markii weerar lagu qaaday xaruntaasi, taasoo keentay in caalamka oo dhan laga baqo in uu musiibo Nukliyeer ah ka dhacdo yurub.

Dabdamiska Ukraine ayaa damiyay dab halkaasi ka qarxay, mana jirin wax shucaac ah oo laga sii daayay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Ukraine.

Kadib weerarkii lagu qaaday warshada Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee koonfurta bari ee magaalada Enerdohar jimcihii, madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Tamarta Nukliyeerka, Rafael Mariano Grossi, ayaa sheegay in Ruushku uu garaacay qeybta tababar ee Xaruunta lakin ay badbaadeen lix oo goobood oo ku keydsan shucaawa nukliyeerka.

Weerarku waxa uu kiciyay qaylo dhaan caalami ah iyo cabsi laga qabo in ay dhacdo musiibadii ugu xumayd ee nukliyeerka .

Khudbad qiiro leh uu jeediayy madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy waxa uu sheegay in uu ka baqayo in qarax uu u noqdo “dhammaadka qof walba oo ku nool Yurub iyo Qaxitaanka Yurub”.

Laakiin saraakiisha nukliyeerka ee Sweden iyo Shiinaha ayaa sheegay in aan la soo sheegin wax shucaac ah, si la mid ah Grossi.

Maamulka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay la wareegeen guud ahaan goobta balse shaqaalaha warshada ayaa sii waday in ay maamulaan. Hal reactor oo kaliya ayaa shaqaynayey, boqolkiiba 60 awoodda, Grossi wuxuu yiri weerarka ka dib.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Qatar
Next articleWa Sidee Xaalka Kursigii Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi iyo Culays ka ahaysta Cali Guudlwaaye Cali kursigaas