Home Wararka Caalamka Weerar lagu hoobtay oo ka dhacay caasimadda Norway ee Oslo

Weerar lagu hoobtay oo ka dhacay caasimadda Norway ee Oslo

0

Bandhig faneed sanad La ah oo ka dhici lahaa caasimadda Norway ee Oslo ayaa la baajiyay, ka dib markii weerar lagu hoobtay uu ka dhacay goob lagu caweeyo oo ay ku sugnaayeen dadka isku jinsiga ah, iyadoo booliiskuna ay weerarkaas ku tilmaameen mid argagixiso.

Labo qof ayaa weerarka ku dhintay in ka badan labaatan kalena waa ay ku dhaawacmeen – iyadoo toban ka mid ahna uu dhaawacoodu culus yahay – ka dib markii nin hubeysani uu rasaas ku furay subaxnimadii hore ee Sabtida.

Ninka weerarka qaaday oo haysta dhalashada Norway balse asal ahaan ka soo jeeda Iran ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo Booliskuna ay sheegeen in laamaha ammaanku ay garanayaan, balse waxa ay intaa ku dareen in ninka la tuhunsan yahay uu sidoo kale qabo dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.

Ad
Previous articleGalmudug oo war soo saartay Kuna amartay Shaqaalaheeda
Next articleDiyaaradaha Ruushka oo markii ugu horreysay Ukraine kasoo weeraray dal kale