Home Wararka Maanta Weerar Dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay degmada Dayniile

Weerar Dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay degmada Dayniile

0

Saddex qof ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay ka dib weerar hubeysan oo caawa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii dabley hubeysan oo aan heybtooda la garan ay rasaas gaadmo ah ku fureen bar kontrol oo ciidamada amniga DF ku leeyihiin degmada Dayniile.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada, nin horey Gudoomiye Waaxeed uga soo noqday degmada Hodan iyo wiil ku sugnaa Kontrolka la weeraray, halka askari kalena uu dhaawac soo gaaray sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Dableydii weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda howlgal ay ciidamada dowladu ka wadaan nawaaxiga goobta uu weerarku ka dhacay iyagoo baadi goobaya ragga weerarka soo qaaday.

Maamulka degmada iyo laamaha amaanka dowlada ayaan weli wax war ka soo saarin weerarkan oo khasaaraha geystay ee caawa ka dhacay degmada dayniile.

Ad
Previous articleMaxkamada sare ee dalka oo shaacisay in ay qaadi doonto Dacwadaha ka dhasha Doorashada
Next articleMagaalada Dhuusamareeb oo lagu soo dhaweeyay gudiga Doorashada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here