Home Wararka Maanta Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay meel u dhow Mandheera

Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay meel u dhow Mandheera

0

Ammaanka qaar ka mid ah deegaannada ismaamulka Mandheera ayaa la sheegayaa in laadkeeyay ka dib markii gaari ay boolisku leeyihiin Miino kula kacday meel u dhaw deeegaanka Baanisa.

Madaxa dhanka ammaanka ee deegaannadaasi Amos Mariba oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in gaari ilaalo u ahaa Bas sidey rakaab miino lagula eegtay meel u dhaw degaanka Baanisa.

Waxaa uu intaa ku daray in ilaa 3 qof oo labo ka mid ah ay askar yihiin ay weerarkaasi ku dhinteen.

Amos Mariba ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan howlgallo dhanka ammaanka ah, isagoo ugu baaqay shacabka deegaannada xuduudda in sugidda amniga ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Ad
Previous articleDad Lagu laayay Duleedka Magaalada Gaalkacyo iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa
Next articleWAR DEG DEG AH: Weerar Ku Bilowday Qaraxyo oo Lagu Qaaday Magaalada Baardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here