Home Wararka Maanta Way na dhibaysaa dilka iyo dhibaataynta dad kor u qaadaya calanka Soomaaliya”...

Way na dhibaysaa dilka iyo dhibaataynta dad kor u qaadaya calanka Soomaaliya” Xasan Shiikh oo ka Hadlay Xiisada Laasacanood

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlay khilaafka ka jira magaalada Laascaanod isagoo ugu baaqay maamulka somaliland inuu ku xaliyo wadahadal arrimaha la isku khilaafsan yahay ee ka taagan magaalada Lascaanood.

“Somaliland waxaan ugu baaqayaa in Halkii ay qori u adeegsan lahaayeen reer Laascaanood ay guddi dhexdhexaadin ah adeegsadaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

“Way na dhibaysaa dilka iyo dhibaataynta dad kor u qaadaya calanka Soomaaliya’ ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo xusay in dowlada Soomaaliya aysan wax siyaasad ah ka lahayn Laascaanood.

Madaxweyne xasan sheekh ayaa sheegay in dowladiisu aysan wax siyaasad ah ka lahayn shaqaaqada ka jirta magalada Lascaanood. waxana uu ugu baaqay shacabka magaalada Laascaanood inay isdejiyaan.

Dhanka kale Madaxweyne xasan sheekh waxa uu farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee weli ka sii mid ah Alshabaab.

Baaqan ka soo yeeray Madaxweyne xasan sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli ay ciidamada maamulka somaliland ay isku diyaarinayaan inay xoog ku galaan magaalada Laascaanood.

Ad
Previous articleCali Guudlaawe oo ka hadlay Saraakiisha lagu dilay Weerarkii Hilowle Gaab
Next articleWiilka Uu Dhalay Boqorka UK Oo Qirtay Inuu 25 Qof Ku Dilay Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here