Home Wararka Maanta ‘Waxaan ka shalaayey inaan arkay maydka hooyaday oo burburay, waxay u dhimatay...

‘Waxaan ka shalaayey inaan arkay maydka hooyaday oo burburay, waxay u dhimatay dayac’ wiilkii qabriga hooyadiis ku kor suuxay

0

Maalin ka hor ayey ahayd markii shil gaari uu ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaas oo dad badan ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Shilka ayaa ka dhashay markii gaari xamuula oo konteenar ku raran yahay uu dusha uga dhacay gaari caasi/bas ah oo siday dad ka badan tobban ruux.

Dadka dhintay waxaa tiradooda lagu sheegay ilaa afar qof oo saarnaa gaariga dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan , halka laba qof oo kalana uu dhaawac soo garaay, sida ay sheegeen maamulka gobolka Banaadir.

Shilkaas dadka ku dhintay waxaa ka mida ahaa Jamiilo dhaqane Canbuure, oo ahayd hooyo todobo caruur ah dhashay oo kaligeed ubadkeeda ku korsata xaafadda Maana-boolyo ee degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Siciid Xuseen Cumar waxa uu ugu yaryahay wiilasha ay dhashay Jamiilo, waxa uu BBC u sheegay in hooyadiis ay xilli galab dhacii ah aaday suuqa si ay ugu soo daneysato inta ka horeysa afurka, balse waxa uu sheegay in markii loo dhawaa xiliga afurka oo soo gaaray gurigooda loo sheegay in hooyadiis ka mid tahay rakaab saarnaa gaari caasi ah oo shil ku galay isgoyska Jubba kadib markii gaari xamuul ah oo wadada marayay uu ku soo dul dhacay.

Siciid, wuxuu BBC-a u sheegay in geerida hooyadii ku timi ay ugu xanuun badnayn in laga celiyo halkii uu shilku ka dhacay oo maydkeedu ku jiray.

“Askar ayaa goobta xirtay, waana la ii diiday inaan tago halka basku yaalay ee maydka hooyadayna ku jirto taas nasiib xumo ayey ahayd” ayuu yiri Siciid.

Wuxuu intaas ku daray inuu aaminsan yahay in dadka qaar la badbaadin karay oo dhimashada hooyadiis laga baaqsan karay hadii gargaar dagdag ah loo fidin lahaa.

“Waxaan markhaati ka noqday wiishka qaadayey konteenarku ay ku hoos jirtay maydka hooyaday inuu awoodi waayo inuu kor u qaado konteenerka culayskiisa owgiisa, markuu kor u hinjiyaba waa sii daynayey, markaas ayuu konteenarku dusha ugu dhacay dadka, taas ayaana keentay inay si fool xun u burburto hooyaday” ayuu BBC da u sheegay Siciid.

Isagoo ka hadlayey waqtiga ay ku qaadatay in qoyskiisu helaan maydka hooyadiis ayuu sheegay “ Shilku wuxuu dhacay xilligii afurka ku dhawaad,maydka hooyana waxaa la keenay guriga 2-dii habeenimo”

“Calool xumadda kale waxay ahayd in anigoo doonaya inaan arko maydka hooyaday la ii diiday oo waliba anigii uu askari madaxa iiga garaacay boostoolad” ayuu yiri Salmaan.

Salmaan Shiine, wuxuu sheegay in habeenkii oo dhan u dhinac jiifay maydka hooyadiis, isagoo marba soo gocanaya wixii uu habeenkaas oo dhan la kulmayey.

Baraha Bulshada waxaa si weyn ugu faafay sawirka Salmaan oo ku dul jiifa qabriga hooyadiisa, isagoo dhacdadaas ka hadlayey ayuu BBCda u sheegay in taasi ay keentay inuu dareemayey inay hooyadiisa dayac u dhimatay uuna awoodi wayey inuu ka soo laabto xabaasheeda balse geeridu xaq tahay.

Wuxuu intaa ku daray in wali uu xanuun ku dareemayo sida dadka hooyadiis ay ka mid tahay ay ugu dhimanayaan shilalka faraha badan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Salmaan, wuxuu BBCda u sheegay in hooyadiis ay laf dhabar u ahayd qoyskooda.

“Inta aysan dhiman saacado ka hor waxay guriga keentay cunadii an ku afuri lahayn” ayuu raaciyaya hadalkiisa.

Sanado ka hor ayuu sidoo kale waayey Aabihiisa, basle wuxuu sheegay in geerida hooyadiisa ay si gaara ah u xanuun badnayn marka loo eego ficiladii naxdinta lahaa ee ay kulansatay geerideedu ee uu goobjooga ka noqday.

Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhaca shilal ka dhasha isku dhacyada gaadiidka oo dad badani ku geeriyoodaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay shilkaan kadib sheegeen in gawaarida xamuulka ah aysan isticmaali karin wadooyinka caasimadda wixii ka horeeya afar saac oo habeenimo.

Ad
Previous articlePuntland oo Si Adag Uga Hadashay Talaabadii uu Maantay Qaaday baarlamaanka Soomaaliya
Next articleAlshabaab Masaajid Qarax Ku Weeraray oo Gacanta lagu Soo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here