Home Wararka Maanta “Waxaa jirta baahi loo qabo in la muujiyo in aanaan hadli karin...

“Waxaa jirta baahi loo qabo in la muujiyo in aanaan hadli karin oo keliya balse aan qaniini karno,” Militariga qabsaday Niger oo ka jawaabay digniin soo Diray

0

Hogaamiyaha cusub ee Niger ayaa sheegay in militariga uusan u hogaansami doonin cadaadiska lagu doonayo inuu dib ugu soo celiyo xukunka madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas Mohamed Bazoum.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii ururka Galbeedka Afrika ECOWAS uu ku hanjabay inay faragelin doonaan Niger kadib afgambigii todobaadkii hore.

Urur goboleedka ECOWAS ayaa cunaqabatayn ku soo rogay dalka Niger, waxayna sheegeen inay awood adeegsan doonana haddii ay hogaamiyayaasha afgambiga ku soo celin waayaan madaxtooyada Madaxweyne Bazoum todobaad gudihiis laga bilaabo Axadii ina dhaaftay.

Ururka ayaa sidoo kale wafdi u diray Niger Arbacadii si ay ula xaajoodaan saraakiisha militariga ee xukunka la wareegay, iyagoo rajeynaya in la helo xal diblomaasiyadeed ka hor intaysan go’aansanin inay soo farageliyaan iyo in kale.

ECOWAS waxay wacad ku martay in afgambiga aan loo dulqaadan doonin ka dib markii ay militariga la wareegeen wadamada xubnaha ka ah Mali, Burkina Faso iyo Guinea iyo isku daygii afgambi ee Guinea-Bissau labadii sano ee la soo dhaafay.

“Doorashada militarigu waa ikhtiyaarka ugu dambeeya ee miiska saaran, waa xalka ugu dambeeya, laakiin waa inaan u diyaargarownaa dhacdada,” ayuu yiri Abdel-Fatau Musah, Guddoomiyaha ECOWAS ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga.

“Waxaa jirta baahi loo qabo in la muujiyo in aanaan hadli karin oo keliya balse aan qaniini karno,” ayuu u sheegay warfidiyeenka horraantii Arbacadii, iyadoo madaxda difaaca gobolka ay shir laba maalmood ah ka bilaabeen caasimadda Nigeria Abuja.

Tiani, oo ahaa madaxii hore ee ilaalada madaxtooyada Bazoum, ayaa Bazoum ka xiray qasrigiisa Arbacadii lasoo dhaafay, isagoo markii dambe ku dhawaaqay inuu yahay madaxa gobolka.

Ad
Previous articleMaleeshiyo Hubaysan oo Dad Shacab ah oo Gaari saarnaa Ku laayay Kaxandhaale
Next articleMaraykanka oo Si Wada Jir ah u eedeeyey Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here