Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo shaaciyay Masuuliyiin Sarsare oo Alshabaab La Shaqeeya

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo shaaciyay Masuuliyiin Sarsare oo Alshabaab La Shaqeeya

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa weerar afka ah ku qaaday dadka dowladda ku dhaliila sida ay u mareyso weerarrada iyo dhagarta ay ciidamada dowladdu kala kulmaan Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay dugsiga Ballidoogle oo shalay uu tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkaasi ay isugu jiraan, masuuliyiin hore, weriyaal iyo dad saameyn ku dhex leh bulshada, balse hadda uu sheegay in aysan waxaba dhaamin kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa soo baxay dad xamaanta bis sheega oo Khawaarijta aan darajo badan dheereyn, quluubtiina in aysan waxaba gaarsiin ayaan idinka rabaa hadallada dadkaas,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku sii daray, in ninkii kooxdaas, hadal ka farxinaya ugu gargaara, kii maalkiisa ku garab istaaga iyo kii dhiirigeliya aysan waxaba dhaamin oo lamid uu yahay, isagoo yiri, “Waxaba iska dooriyaan ee dadow yaan lagu sirmin nimanka idaacadaha taagan.”

“Qaarkood dadkaas idaacadaha ayey la taagan yihiin taageerada ay u hayaan Al-Shabaab, qaar ayaa TV-yo u furtay si ay u taageeraan Al-Shabaab oo bulshada u marin habaabiyaan, muuqaaladii Khawaarijta ayey cod soo dul-saaraan, ma xiishoodaan, diin iyo dadnimana malaha,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka difaaca, wuxuu ciidankaan cusub kula dardaarmay in hadallada dadkaas aysan dheg-jalaq u siin oo aysan ka niyad jebin shaqada ay u qaba doonaan dalkaan ay u tababarteen, ina dhaarteen.

Sidoo kale wasiirka ayaa ciidanka u sheegay inay ku soo aadeen waqtigii loogu baahida badnaa, isagoo ku dhiiri-geliyey in dhul badan ay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen ciidankii uga horeeyey furimaha, isla markaana aad loogu rajo weyn yahay in ciidankaan cusub ay wax badan ku soo kordhiyaan howsha ka socota furimaha dagaalka.

Ad
Previous articleAbiy oo ku dhowaaqay xaalad deg deg ah xilli rabshaduhu kasii dareen
Next articleDANAB oo shaaciyay Qorshaheeda Dagaalka Wajiga Labaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here