Home Wararka Maanta Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Taliyaha Ciidanka Xooga ka dalbaday in loo yeero...

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Taliyaha Ciidanka Xooga ka dalbaday in loo yeero 5 Sarkaal oo Lagu Eedeeyay Afgambi Fashilmay (Akhriso)

0

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Saraakiishan ayaa waxa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada. Guddiga baaritaanka ayaa waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida soo agaasintay.

Taliyaha xoogga ayaa laga codsaday in Saraakiishan in maalinta sabtida ah oo taariikhda tahay 8 Janaayo, saacadda 10:00 barqanimo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Ad
Previous articleGudoomiyihii Doorashooyinka Puntland ee iscasilay oo eedeeyey Deni
Next articleAlshabaab oo Markale Weerar Qasaaro Gaystay ku Qaaday Kenyo