Home Wararka Maanta Wasiirka Dastuurka Somaliya oo shaaciyay in Siyaasiinta goballada waqooyi ay dhib kala...

Wasiirka Dastuurka Somaliya oo shaaciyay in Siyaasiinta goballada waqooyi ay dhib kala kulmaan qaadashada Baasaboorka Soomaalia

0

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac  oo Maanta jeedinayay khudbadiisa musharaxnimo ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasadda iyo waxqabadkiisa hadii uu noqdo Sanater Aqalka sare

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Matalaada Reer Somaliland ee Aqalka sare laga siiyay  11 kursi in ay ku yartahay oo aysan ku filneyn.

Wasiir Saalax waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in  Dadka reer somaliland ay dhibaato ku qabaan helitaanka baasaboorada caafimaadka oo ay ku safraan marka dibada ay aadayaan.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay weli aaminsan tahay  inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Ad
Previous articleGabadh Soomaali ah oo lagu daray maamulka cusub ee ismaamulka Addis Ababa
Next articleWafdi ka socda Qaramada Midoobey oo Soo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here