Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Maanta jeedinayay khudbadiisa musharaxnimo ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasadda iyo waxqabadkiisa hadii uu noqdo Sanater Aqalka sare
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Matalaada Reer Somaliland ee Aqalka sare laga siiyay 11 kursi in ay ku yartahay oo aysan ku filneyn.
Wasiir Saalax waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Dadka reer somaliland ay dhibaato ku qabaan helitaanka baasaboorada caafimaadka oo ay ku safraan marka dibada ay aadayaan.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay weli aaminsan tahay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Ad