Home Wararka Maanta Wasiirka Caafmaadka Dowlada Soomaaliya oo Gaadiid ku Wareejiyay 3 Maamul Goboleed iyo...

Wasiirka Caafmaadka Dowlada Soomaaliya oo Gaadiid ku Wareejiyay 3 Maamul Goboleed iyo Gobalka Banaadir(Sawiro)

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad ka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.

Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee  dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow, Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

Ad
Previous articleNin Oday ah oo Sabab layaab leh u helay Xaj Bilaash ah iyo hadal heyn ka dhalatay
Next articleSenator Faroole oo Digniin U Diray Siciid Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here