Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Larry E. André.
Wasiirka iyo safiirka ayaa waxa ay ka wada hadlen barnaamijyada Xasilinta, Dib u heshiisiinta iyo Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee dalka.
Wasiir Ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsan tahay oo ay qadarinayso dadaalka iyo taageerada uu Mareykanku u muujiyay Dowlada Soomaaliya.
Dhanka kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Mr.
Larry E. André ayaa bogaadiyay waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda oo ay ka mid yihiin dib u xureynta dhulalka cusub iyo xoojinta maamulka deegaanka si looga jawaabo baahiyaha bulshada.
Ad