Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Maanta imaanaysa Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Raychelle Omamo ayaa la filayaa inay maanta booqasho ku timaado magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya

Cs Omamo wasiirka arrimaha dibbada Kenya ayaa waxa ay inta ay ku sugan tahay caasimada dalka ay kulamo la qaadan doontaa mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibbada Maxamed Cabdirizaq,ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Sida ay qoreen qaar kamid ah saxaafada Kenya oo soo xiganaysa saraakiila aysan magacaabain oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya, booqashada Omamo oo ah tii ugu horeysay ee ay Soomaaliya ku timaado waxana ay la xiriirtaa sidii ay ugala hadli lahayd dowlada Soomaaliya arrimo la xiriira muranka badda ee ka dhexeeya labada wadan.

Kenya ayaa 19 -kii Luulyo, 2021 -kii ka codsatay Guddiga Midowga Afrika in ay bixiyaan kaalmo farsamo oo la xiriirta arrimaha xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya iyada u dirtey qoraal.