Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar.
Wasiir Dr. Maxamad Doodishe ayaa Warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yusuf Raage kuna saabsaneday hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.
Kulanka waxaa kaqeeb-galay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi xasan maxamad Xijaar wuxuu Soo Bandhigay qorshaha xasilinta iyo la wareegidda amniga deegaannada la xureeyay.
Jeneraal Odowaa oo dhawaan ka soo laabtay furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Shabaab ee ka socda maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay si uu warbixin u siiyo masaxxa sare ee dalka.