Home Wararka Maanta Wasiirka Abshir Cumar Jaamac oo faah faahin ka bixiyey shirka Qaramada Midoobay...

Wasiirka Abshir Cumar Jaamac oo faah faahin ka bixiyey shirka Qaramada Midoobay ee ka furmay waddanka Mareykanka(Sawiro)

0

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyey shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo ka furmay magaalada New York ee waddanka Mareykanka.

Shirkan oo ah mid muhiim ah waxaa loogu magac daray Xalka oo loo maro Wadajirka, Joogtaynta iyo Sayniska”ee loo qorsheeyay in uu socdo 19ka illaa 25ka September 2022.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in shirka looga hadlayo arrimo dhowr ah  oo ay ugu horreeyaan cunno yarida, tamarta,  shaqo la’aanta, awood-siinta haweenka, isbeddelka cimilada amniga iyo waxbarashada.

“Shirka waxaa horyaalla oo laga wada doodi doonnaa oo la isku aragti waydaarsan doonnaa arrimaha ka taagan caalamka sida Isbaddelka Cimilada, Amniga guud ee Caalamka ee dagaallada ka socdaan, sidoo kale waxaa si gaargaar ah looga hadli doonnaa arrimaha quseeya qaaradaha & deegaannada kala duwan ee Caalamka” ayuu yiri wasiirku.

Haddaba Muxuu yahay qorshaha wafdiga DF ee ka qaybgalaya shirka QM?

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay u qorsheysan tahay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho wasiirada dhiggiisa ah ee ka qayb-galaya meertada 77aad golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

“Madaxweyne weliba waxa uu jeedin doonnaa khudbad ka tarjumaysa dalkiisa, anigu ka Wasiir Arrimo dibadeed ahaan waxa aan qayb ka ahay shirkaas, waxaa ii yaalla oo qorsheysan la kulanka Wasiiro badan oo dhiggayga ah oo ka imaanaya Qaaradaha kala duwan ee Adduunka, ajendahayga waxaa ku jira illaa toban in aan arko oo ah kuwo ka yimid Bariga, Dhexe, Yurub, Mareykanka & Afrika” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka.

Soomaaliya waxaa shirkan oo ah mid sanadle ah uga qayb-galaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, isaga oo la filayo in kulanka uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah oo ku aadan xaalada guud ee dalka Soomaaliya.

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha

Booliska Dalka Australia oo ka War-bixiyay Wiil Soomaali ah ay toogteen

Booliska dalka Australia ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay inay toogtaan wiil Soomaali ah waxaana ay sheegeen ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool

Madaxweynaha SSC Khatumo oo Sheegay Inay Doonayaan in dadka reer Sanaag ay wax wada dhistaan

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inuu doonayo in dadka reer Sanaag ay la dhistaan maamulkiisa, si hal maamul ay u wada yeeshaan. Wuxuu sheegay inay wadaan

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda
Ad
Previous articleDowladda Oo Sheegtay Wadada Kaliya Ee U Banaan Shabaabka Lagu Hareereeyay Hiiraan.
Next articleWasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka Hadashay Kacdoonka ka dhanka ah Alshabaab (Akhriso)