Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowladda Oo Sheegtay Wadada Kaliya Ee U Banaan Shabaabka Lagu Hareereeyay Hiiraan.

Dowladda Oo Sheegtay Wadada Kaliya Ee U Banaan Shabaabka Lagu Hareereeyay Hiiraan.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahisay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo kamid ah gobolka Hiiraan, iyadoo howlgalada ay curteen kadib markii kooxda Al-Shabaab ay laba jibaareen beegsiga dadka shacabka ah.

Qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney si habsami leh u socdaan howlgaladan, iyadoo lagu sheegay in deegaano dhowr ah looga qabsaday kooxda Al-Shabaab, khasaare dhimasho iyo dhaawacba lehna la gaarsiiyay.

“Ciidanka Xoogga oo ku raad-joogay firxadka maleeshiyaadka naf la caariga ah ee Al Shabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobolka, oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani, si loo ciribtiro dhagarqabeyaasha baxsadka ah ee lagu jebiyay dagaalka. Ciidanka ayaa weli wada hawlgalo is daba-joog ah, si loo xaqiijiyo argagixisada arxanlaaweyaasha ah in aanay helin goobo ay gabaad ka dhigtaan.” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in wadada kaliya ee u banaan dhalinyarada Shabaab ka dhinac dagaalameysa ay tahay iney isu soo dhiibaan dhanka dowladda, hadii ay taasi diidaanna ay dharbaaxo culus la kulmi doonaan.

“Ma jirto waddo aan ahayn inay isa soo dhiibaan oo u furan dhallinyarada ay argagixisadu khaldeen. Dowladda Somaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka daran ee Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri warka

Si kastaba, wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ay shan ka mida maleeshiyada Al Shabaab ku dileen Buuraha Camal, oo 20km u jira deegaanka Halgan.

Ad
Previous articleWasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socotay Dowladda UK(Sawiro)
Next articleWasiirka Abshir Cumar Jaamac oo faah faahin ka bixiyey shirka Qaramada Midoobay ee ka furmay waddanka Mareykanka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here