Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Madaxweynaha haddii uu 70 gaaray curinta dadkii laga rabay ha usoo noqdo illeen reer todobaatan waa tageen horaa loo yiri, ani ma dhihinee” ayuu yiri Xasan Xundubey.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu madaxweynuhu uusan ogoleyn la kulanka siyaasiyiinta kasoo horjeeda, basle uu doonayo shaqsiyaadka gaarka ah ee uu danaha ka leeyahay.
Xasan Xudubey oo sii hadalaya ayaa farriin culus u diray madaxweynaha, wuxuuna ugu baaqay inuu kusoo laabto bulshadiisa, isla-markaana uu la sameeyo la tashi guud.
Dhanka kale, waxa uu ka hadlay howlgallada dhanka ah ah Al-Shabaab, doorka ciidanka Macawiisleyda iyo arrimi ku aadan wixii dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.