Home Wararka Maanta Wasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland

Wasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland

0

Wasiir Ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in uu tago degmooyinka gobolka Gardafuu ee maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Mudug24, Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Caluula iyo Murcanyo ayaa waxa jid-gooyo u dhigtay maleeshiyo beeleed kasoo jeeda gobolka oo diidan safarkiisa.

Wasiirka ayaa maanta dib uga soo laabtay gobolkaasi, kadib markii safar 5 maalmood qaatay uu ku dhaafi-waayay tuulada Hoodaa oo hoostagta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in wasiirka uu doonayay in degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyi-gelinta diiwaan-gelinta dadweynaha oo la qorshaynayo inay gobolkaas ka bilaamato bisha Jannaayo ee sanadka cusub ee 2023.

Qaar kamid ah waxgaradka degmada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu ayaa horay uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee ay sameeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa dhamaadka bishi hore shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada khilaafku ka taagan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka koobna 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, kuwaasi oo ay ku jiraan deegaano lagu muransan yahay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDagaal Culus oo Ka Dhacay Duleedka Degmada aadan yaabaal oo P.M Xamze booqday iyo Dowlada oo War kasoo Saartay Dagaalkaas
Next articleTijaabada Luuqada ee Shaqaalaha oo laga bilaabay Degmooyinka Qaar ee Sweden