Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wasiir Ka Tirsan Hirshabeele oo Gaaray Degmada Matabaan iyo Sababta oo la...

Wasiir Ka Tirsan Hirshabeele oo Gaaray Degmada Matabaan iyo Sababta oo la shaaciyay(Sawiro)

0

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Sakariye Mohamed Ahmed iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Abdifatah Hassan Farah ayaa booqday Isbitaalka Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo dhowaan la dhisay.

Maamulka Degmadda Matabaan, Odayaasha dhaqanka, bahda Caafimaadka iyo isku duwaha Caafimaadka ee Degmadda ayaa Wasiirrada ugu warbixiyay in Isbitaalka uusan shaqeyn sababtuna ay tahay in uusan oolin wax qalab ah, sidoo kalana aysan jirin shaqaale iyo Dhakhaatiir ka howl gasha xilligan loona baahanyahay in Isbitaalka la furro si Bulshaddu uga faa’iideysato.

Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle mudane Sakariye Mohamed Ahmed ayaa balan qaaday in Wasaaradda ay si deg deg wax uga qaban doonto arinta Isbitaalka Degmadda Matabaan ayna arintaas iska kaashan doonnaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo hey’addaha ka shaqeeya arimaha Caafimaadka.

Ad
Previous articleNinkii dhaawacay Salman Rushdie oo sheegay Sababta uu Udilay Salmaan Rushdie
Next articleDeg Deg: Dagaal Culus oo Ka socda Dhagaxdheer oo Hoostagta Degmada Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here