Home Wararka Somaliya Galmudug Wasiir Fiqi oo si adag uga jawaabay weerarkii uu Cali Yare ku...

Wasiir Fiqi oo si adag uga jawaabay weerarkii uu Cali Yare ku qaaday ganacsatada

0

Wasiirka arrimaha gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan uu fagaare ka sheegay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

Cali Yare ayaa maalmihii uu Muqdisho ka socday gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2 wuxuu ku goodiyey inay ku banaanbixi doonaan oo xiri doonaan ganacsiyada canshuurta siiya kooxda Al-Shabaab.

“Maalmahaan olole ayaa ku socda ganacsiga Muqdisho, dad wax magarato ah oo masuuliyiin sheeganaya ayaa gadaal ka riixaya ololahaas, waxaana lagu beegsanayaa ganacsatadaan duruufaha adag ku soo shaqeysay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadalkii uu Cali Yare fagaaraha Soobe ka sheegay aysan raali ka aheyn dowladdu, isla markaana ay amaanayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee xiliyada adag soo shaqeysay.

“Wixii qaldamay waa la saxayaa, mar kasta ayey wax qaldamaan, laakiin warkaan fagaaraha lala soo istaagay ee ah ganacsatada waan ku banana-baxaynaa, maahan wax aan raali ka nahay, mana dhici doonto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed ay ku abaal-marineysay shirkadda Hormuud.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waqti adag ayey soo shaqeysay, waa geesiyaal ku soo shaqeeyey xaalad adag, khatar ayey maalkooda iyo naftooda u quureen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Fiqi.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo War kasoo saaray la Wareegitaanka Deegaanka Wabxo
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ka Waraysatay Xaladooda Ciidamada Wali ku maqan Dalka Eriteeriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here