Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo Gaaray Xarardheere Fariina Gaarsiyaay Ciidamada Gor Gror ee Gacanta...

Wasiir Fiqi oo Gaaray Xarardheere Fariina Gaarsiyaay Ciidamada Gor Gror ee Gacanta ku Haaya Magaaladaas(Sawiro)

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo socdaal shaqo kujooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta booqday taliska Gorgor ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo gaarsiiyay farriimo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ciidamada gaarsiiyay farriimo uu ka siday hoggaanka dalka gaar ahaan madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamud, waxaa uu sidoo kale ka dhageystay diyaargarowgooda la xiriira sidii Mudug looga sifeyn lahaa haraadiga Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Mudane Axmed Macallim Fiqi wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxaa uu kala hadlay xaaladda iyo sida hoggaanka dowladda heearkeeda kala duwan uga go’an tahay dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta, waxaa bogaadiyay howlaha naf hurnimada ah ee ay qaranka u hayaan isaga oo carabka ku adkeeyay in ay garab taagan yihiin oo dhirrigelinayaan ciidamada xaq u dirirka ah ee xoogga dalka.

Ad
Previous articlePuntland oo Maanta xukun Dil toogasho ah ku fulisay Rag dil geystay
Next articleCabdishakuur Daahir Magan oo Dilay Xaaskiisa kadib markii uu ninkale aroosay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here