Home Wararka Maanta Wasiir Cabdikaafi Qaaf oo Digniin UDiray Madaxweyne Qoor Qoor

Wasiir Cabdikaafi Qaaf oo Digniin UDiray Madaxweyne Qoor Qoor

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ahna Musharax u taagan tartanka doorashada madaxtinimo ee Galmudug 2024, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud (Qaaf) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ka digay qorshaha muddo kororsiga ee madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ).

Cabdikaafi ayaa sheegay muddada halka sano ah ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug uu ugu kordhiyay Qoor Qoor ay tahay mid ka soo horjeeda Dastuurka iyo heshiiska beelaha wada dega Galmudug, taasoo uu sheegay inay horseedeyso qalalaase siyaasadeed, amni darro iyo fowdo.

Baarlamaanka Galmudug ayaa fadhi uu yeeshay 13-kii bishii September sanadkii 2022-kii waxay muddo xileedka madaxtinimada Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ahayd muddo 4 sano ah taasoo ku eg 2 Febraayo sanadka 2024 ka, ku kordhiyey muddo 1 sano ah wuxuuna ka dhigay muddo 5 sano ah.

Musharax Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin, kana soo horjeeda dastuurka iyo nidaamka dimoqraadiga, wuxuuna shacabka Galmudug iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka uu ku wargeliyay in wixii dhibaato ah iyo qalqal siyaasadeed ee ku yimaada hanaanka dowladnimo ee Galnudug uu masuuliyadeeda qaadi doono Axmed Qoor Qoor.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ahna Musharax u taagan tartanka madaxweyne ee Galmudug ayaa sheegay in muddadii uu kursiga ku fadhiyay Qoor Qoor ay dib u dhac la kulantay Galmudug, gaar ahaan adeegyada bulshada ee laga maarmaanka ah.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka Galmudug inay kasoo horjeestaan muddo kororsiga Qoor Qoor taasoo uu tilmaamay inay ka soo horjeedo Dastuurka iyo heshiiska Beelaha wada dega Galmudug.

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleHaweeney 95 sano jir ahayd oo geeriyootay kaddib markii nin boolis ah uu weeraray
Next articleMareykanka oo liiska madow ku daray 26 Soomaali ah oo uu ku jiro Cali yare