Home Wararka Somaliya Galmudug Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo Heshiis dhaxdhigtay Beelo ku dagaalamay Huurshe iyo...

Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo Heshiis dhaxdhigtay Beelo ku dagaalamay Huurshe iyo Xeraale (Sawiro)

0

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta dowlada Galmudug ayaa Magalada xeraale ee waqoyiga Gobolka Galgaduud waxa ay ku soo gaba gabeysay Shir lagu dhammeystirayo Nabadda iyo isdhexgalka bulshada Xeraale iyo Huurshe.

Shirkan oo socday mudo asbuuca ayna garwadeen ka aheyd Wasaaradda arimaha gudaha ayaa labada dhaqan yeesheen kulamo gooni gooni ah waxayna taasi keentay in labada dhaqan ay ku heshiiyeen.

qodobo dhowr ah oo ay goob joog u ahaayeen wasiir dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada Galmudug, xildhibaano’ wasiiro maamulka labada magaalo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

 

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada arimaha Gudaha Galmudug Mudane Suleyman Abdullahi hassan ayaa ugu horeyn ka hadlay marxaladihii shirkan nabadenta ah uu soo maray.

Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan dowlada Galmudug oo iyana madasha ka hadlay ayaa labada bulsho kula dar daarmay inay ilaashadaan heshiiskan la dhex dhigay.

Odayaasha dhaqanka Maamulada magaaloyinka Xeraale iyo Huurshe ayaa balan qaaday in ay si wada jira uga shaqaynayaan nabada iyo is dhex galka labada magaalo.

Ugu dambeyn Wasiir Dowlaha ahna Kusimaha Wasiirka Wasaaradda arimaha Guddaha Galmudug Mudane Axmed Xasan Cali (Axmad-Dheere) ayaa ku baaqay in guryahoodii ay dib ugu soo laabtaan bulshadii ku kala irdhowday colaadihii sokeeye ee ka dhacay xeraale.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo ka hadlay Muhiimada iyo dhismaha Golayaasha Deegaanka (Sawiro)
Next articleWasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo la Kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here