Home Wararka Somaliya Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo Lagu Wareejiyay Qalabka Covid19 (Sawiro)

Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo Lagu Wareejiyay Qalabka Covid19 (Sawiro)

0

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Mahad Caabi Ciise oo ay Weheliyaan Gudiga ka hortagga coranavirus ee Gobalka Mudug iyo Maamulka Degmada Hobyo ayaa la Wareegay 349 Oo haamaha Oxygen-ta iyo agab Caafimaad oo loogu Tagalay Ka Hortaga Cudurka Covid-19 oo ay ku deeqday hay’adda Hormuud-Salaam Foundation.

Haamaha Oxygenta waxaa Loo marsiisay Galmudug Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya oo ugu dambeyn ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Sidokale Wxaa ka qeyb ka qaatay in Hobyo la soo gaarsiiyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Senator Abdiqaybdiid oo waqti badan galiyay howshaan.

Agabkaan loogu tagalay in lagula tacaalo dadka uu cudurku Carona soo ritay ee ku sugan Gaalkacyo ayaa ku soo aaday xilli si weyn loogu baahnaa iyadoo si gaar ah baahi weyn loogu qabay Haamaha Oxygen-ta.

Ad
Previous articleGaalkacyo: Ciidanka Puntland iyo Galmudug oo Hawlgalo Qorsheysan ka Fuliyay Magaalada
Next articleDhageyso: Senator Dhegdheer oo Madaxweyne Farmaajo u sheegay in Dadka Yaqaaniin Qori dibna loogu Celin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here